Taliska millateriga Al-Shabaab ayaa xaqiijiyey in nabad-doonkii dhawaan uu Maraykanku ku dilay deggaanka Badhan ee lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi uusan ka tirsanayn Xarakada, isla markaana eedaynta ah inuu hubka u soo iibin jiray jihaadiyiinta ay tahay been-abuur aan sal iyo raad toona lahayn.
Xarkada ayaa sheegtay in eeddaasi uu Maraykanku uga golleeyahay inuu ku bannaysto dhiigga nabad-doonka iyo guud ahaan dhiigga wax-garadka Soomaaliyeed. Waxaanu bayaankaasi oo dhamaystiran u qornaa sidan:
